Ciidamo taageersan Wasiirka Ganacsiga Galmudug oo la wareegay Cabudwaaq

Read Time:1 Minute, 4 Second

Ciidamo taabacsan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug ayaa la wareegay maamulka degmada Cabudwaaq kadib dagaalo socday muddo labo maalmood ah.

 

Ciidamada Ahlu Sunna oo hore u maamulayay degmada Cabudwaaq kana soo horjeeday maamulka Galmudug ee dhowaan loogaga dhowaaqay degmada Cadaado ayaa laga saaray magaalada iyadoo wararka ka imanaya magaalada Cabudwaaq ay sheegayaan in ay ku isku urursanayaan duleedka magaalada.

 

Xaalada magaalada ayaa caawa ah mid degen balse boqolaal qoys oo ka barakacay magaalada ayaan dib ugu soo laaban, waxana maanta xirnaa guud ahaan ganacsiga iyo goobaha waxbarashada magaalada Cabudwaaq.

 

Saxafiyiin ku sugan magaalada Cabudwaaq ayaa shabakada warbaahinta Jowhar.com u xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhashay qasaare xoog leh oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

 

Illaa hadda lama oga tirada saxda ah ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in dad ku dhow labaatan ruux ay ku geeriyoodeen dagaalka.

 

Dagaalka ayaa ka bilowday shalay magaalada Cabudwaaq kadib markii ciidamo taabacsan Ahlu Suna ay isku dayeen in ay soo qabtaan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug oo gaaray magaalada Cabudwaaq, balse waxaa ka hor istaagay ilaalada wasiirka halkaa oo dagaalku uu ka bilowday.

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee maamul goboleedka Galmudug Cabdiladiif Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay la wareegeen magaalada Cabudwaaq.

 

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.