Ciidamo kawada tirsan Ahlu Sunna oo maanta dagaalamay iyo Xiisad wali jirta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo kawada tirsan Ahlu Sunna oo maanta dagaalamay iyo Xiisad wali jirta

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo kawada tirsan maamulka Ahlu Sunna uu ka dhacay Deegaanka Mareer Gur ee kuyaala Duleedka Dhuuso Mareeb.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu yimid kadib markii ciidamada Ahlu Sunna ay isku qabsadeen lacago mushaar ah oo la siinayay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhax maray Ciidamada kawada tursan Kooxda Ahlu Sunna.

Qasaaro aan la ogeyn inta uu la egyahay ayaa ka dhashay dagaalka maanta dhax maray ciidamada kawada tirsan Kooxda Ahlu Sunna ,waxaana xaalada deegaanka Mareer Gur lasoo sheegayaa in wali kacsan tahay.

Xiisada u dhaxeysa Dhinacyada kawada tirsan Ahlu Sunna ee maanta dagaalamay ayaa wali laga dareemayaa magaalada Dhuuso Mareeb iyo Deegaanka Mareer Gur, waxaaa xalinta xiisadaasi hada ku hoolan saraakiil katirsan Ahlu Sunna.

Masuuliyiinta maamulka Ahlu Sunna ee ku sugan magaalada Dhuuso Mareeb ayaan wali ka hadlin dagaalka maanta dhax maray ciidankooda iyo waliba xiisada ka dhax aloosan ciidankaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.