Ciidamo kala Taabacsan Soomaaliland iyo Khaatumo oo dagaalamay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo kala Taabacsan Soomaaliland iyo Khaatumo oo dagaalamay

Saaxdheer ( Mareeg)-Saldhig Milatari  oo dhowr iyo Toban KM u jira Magaalada Saaxdheer oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Khaatuma ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay iska hor’imaad u dhexeeya Khaatumo Ciidamo Taabacsan iyo kuwa kale oo kuwa Soomaaliland ah.

Walow aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay  iska hor’imaadka labada dhinac ayaa maamulka Khaatuma  waxa uu xaqiijiyay in Saldhigu uu dagaalku ka dhacay ay ku sugan yihiin Ciidamadooda islamarkaana dhankooda uusan khasaaro soo gaarin.

Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Abshir Cabdicasiis oo Shabelle wareysi siiyay ayaa ka warbixiyay sida ay wax uga dhaceen goobta isagoo tibaaxay in weerarka iyaga lagu soo qaaday ayna iska difaaceen sida hadalka u dhigay.

Maamulka Khaatumo ayaa dafiyay in Sanaadiiqda Codka ay Soomaaliland geyneyso Goobaha Khaatumo ay maamusho waxaana wasiir ku xigeenku sheegay in aysan suurta gal ahayn in goobaha ay ka arrimiyaan la geeyo sanaadiiqdaasi.

Walow Khaatumo maamulkooda uu in muddo ah jiro hadana ma heystaan weli wax aqoonsi rasmi ah ee la xiriira hanaan maamulkooda si loogu tiriyo maamul goboleedyada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!