Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho
Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamay agagaarka EX kontarool Afgooye ee Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen Shabakadda Wararka Mareeg.com in dagaalku u dhaxeeyey ciidamo ilaala ka hayay Xarunta Taliska Asluubta iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa haramcad ee Booliska Soomaaliya.
Waxaa is taagay inta uu dagaalka socday Isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee Ex Kontorool, iyada oo ay ku dhaawacmeen laba askari.
Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir, Saadaq John iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ay kala dhex-galeen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo dagaal ku dhexmaray Isgooska Ex- Koontorool Afgooye ee Muqdisho.
Comments are closed.