Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Lagu Daad Gureeyay Deegaanka Garacad Ee Gobolka Mudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Lagu Daad Gureeyay Deegaanka Garacad Ee Gobolka Mudug

Maamulka Puntland ayaa ciidamo badan geeyay degaanka Garacad ee gobolka Mudug si loo xaqiijiyo Amniga degaankaasi iyo degaanada hoos yimaada.

Degaanka Garacad ayaa 2016-kii waxa ay aheyd Meeshii Al-Shabaab ay ka weerareen maamulka Puntland.

Ciidamada la geeyay degaanka Garacad ee gobolka Mudug  ayaa isugu jira Boolis iyo Milatari, waxaana ay ilaalin doonaan xeebaha Garacad.

Dhanka kale Madaxweynaha  Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay Gobolka Sanaag ay Puntland ka dhisayso 7 Saldhig kuwaas oo laga dhisayo deegaano iyo degmooyin aan horay u lahayn.

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo kusugan Gobolka Sanaag ayaa dhagax dhigay labo saldhig oo qayb ka ah Todobadii uu madaxweynaha ku dhawaaqay.

Degaanada Damale Xagare iyo Hadaftimo ayuu ka dhagax dhigay wuxuuna sheegay Agaasimuhu inuu Madaxweynuhu sheegay in dhamaan laga hirgalin doono saldhigyadaas 40 Cisho gudahood.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!