Ciidamo Ka Tirsan Milateriga Soomaaliya Oo Tababar Loogu Xiray Uganda

Read Time:1 Minute, 35 Second

Kampala, Mareeg.com: Waxaa dalka Ugand lagu soo gebagbeeyey tababar la siinayey ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya oo ay tababarayeen macallimiin reer Yurub ah.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo gaarayay 138 ayaa kala qaatay takhasusyo kala duwan oo cilmiga Milatariga ku saabsan, iyadoo la ogyahay in Ugand horay loogu tababaray kumanaan ciidamo Soomaali ah.

Xaflad lagu soo xirayey tababarka ciidamada ayaa waxaa ka qeybgalay Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil ka socotay Midowga Yurub oo maalgeliyey tababarkaas.

General C/risaaq Khaliif Cilmi oo tababarka soo xiray ayaa jeediyay khudbad isugu jirtay guubaabo iyo waano isagoo u sheegay ciidanka tababarka dhammaystay inay haatan u diyaar garoobaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran qaranka.

“Markii hore waxaad ahaydeen dagaalyahanno, laakiin haatan waxaad ku darsateen khibrad iyo aqoon waxaanad noqoteen ciidamo qaran oo leh xirfad sarraysa” ayuu ku yiri khudbadiisa uu u jeedinayay ciidanka.

“Waxaad haatan dib ugu laabaynaysaan dalkiina si aad uga qaybqaadataan difaaca shacabka iyo xoraynta goobaha uu cadowgu shacabka ku dhibaataynayo” ayuu yiri General C/risaaq Khaliif Cilmi.

Gudoomiyaha gudiga ciidamada milatariga ee Midowga Yurub, General Patrick DE ROUSIERS, madaxa tababarrada ciidamada midowga Yurub Brigadier General Gerald AHERNE iyo taliyaha ciidamada milatariga ee dalka Uganda Gen. David MUHOOZI oo iyaguna goob joog ka ahaa kulankaasi ciidanka Soomaaliya tababarka loogu soo xirayay ayaa bogaadiyay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto inay dhisato ciidamo qaran oo xoog leh.

“Dhammaanba 28-ka wadan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay ku faraxsanyihiin in la mataaneeyo xiriirka milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, kaasoo diirada lagu saarayo sidii loo heli lahaa ciidamo khibrad sare leh oo ka hawlgala dhammaanba gobollada Soomaaliya” ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga ciidamada milatariga ee midowga Yurub General Patrick DE ROUSIERS.

Dalka Uganda oo ciidamo farabadan oo qeyb ka ah AMISOM ka joogaan Soomaaliya ayaa xerooyin ku yaalla horay loogu soo tababary ilaa 3,600.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %