Mareeg Media
Somalia

Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo La Wareegay Bankiga Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in maanta Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay la wareegeen Bankiga Gaalkacyo.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa la sheegay inay gadood ku la wareegeen Bankiga Magaalada Gaalkacyo uu ku yaalla Waqooyga Magaalada.

Dad ku sugan Waqooyga Magaalada Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in Ciidamada ka tirsan maamulka Puntland ay gadoodka sameeyay ay mushaar la’aan soo wajahday.

Waxaa sidoo kale ay ciidamada xireen wadada Gasha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo waxaana maanta lagu wadaa inay Garoonkaasi kasoo dagtaan Wafdi ka socda Qaramada Midoobey.

Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo kaga hadlayo Ciidamada ka tirsan Puntland ay maanta gadoodka ku la wareegay Bankiga Magaalada Gaalkacyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!