Ciidamo ka tirsan Kumandoska Somalia oo maanta la geynayo magaalada Gaalkacyo

Read Time:49 Second

 Mareeg.com-Cutubyo ka tirsan ciidamada Kumandoska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo magaalada Gaalkacyo.

 gaalkacyo-dhulka-nabadeyn-696x398

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ilaalin doonaan kormeerayaal caalami ah oo QM ay geysay magaalada Gaalkacyo si ay dusha ugala socdaan xabad joojinta halkaas ka jirta iyo nabadeynta socota.

 

Wasiirka Kalluumeysiga Galmudug Xasan Maxamed Warsame ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandoska ee Gaalkacyo la geynayo ay sidoo kale la shaqeyn doonaan guddiyada labada Maamul u xilsaareen ka shaqeynta Nabdda Gaalkacyo.

 

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta si isweydaar ah ugu kala shaqeyn doona Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

 

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa saaka ka shaqo bilaabaya Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, halka kan Galmudugna uu ku shaqeyn doono Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

 

Ujeedada arrintan laga leeyahay ayaa lagu sheegay iney tahay isdhexgalka bulshada labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa jawi kalsooni leh oo lagu wada shaqeeyo si meesha looga saaro saameynta uu Gaalkacyo ku yeeshay 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %