Ciidamo ka tirsan Kenya oo Qarax lala eegtay iyo Khasaaro ka dhashay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo ka tirsan Kenya oo Qarax lala eegtay iyo Khasaaro ka dhashay

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino lagula  eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas.

Gaari ay wateen Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ugu yaraan hal ruux oo ahaa darawalkii waday gaariga ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaariga.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu, iyagoona sheegay inay ku dileen Darawalkii gaariga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray askar kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Sunny Leone Sex Videos xxx18 سكس
Mareeg.com somalia, World News and Opinion.