Mareeg Media
Somalia

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo duleedka Muqdisho lagu weeraray

Weerarkaan ayaa waxaa Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya loogu geystay deegaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho,xilli halkaasi ay ku socdaalayeen.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerareen Gaari ay saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa dowladda dagaal kooban ayaana halkaasi ka dhacay sidaasi waxaa yiri”mid kamid ah dadka ku nool deegaanka Calamada.

Ciidamada la weeraray ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in ay saarnaayeen Ciidamo ilaalo u ah mas’uuliyiin ka mid ah kuwa ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo afgooye,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada deegaanka Calamada ay tahay mid degan,hayeeshee ay gaaresn Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!