Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka baxay Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka baxay Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa Magaalada muqdisho ay munaasibad sagootin ah u sameeyeen Saraakiil Booliis ah oo ka baxay Soomaaliya.

Saraakiishan oo ka mid ahaa qeybta tababarka Booliska AMISOM ee tababara Booliska Soomaaliya ayaa u dhashay dalalka Dalalka Ghana iyo Zambia, iyaga oo dhameystay muddo sanad ah oo ay ka shaqeynayeen tababaridda Ciidamada Booliska ee Soomaaliya.

Taliyaha Booliska ee AMISOM Augustine Magnus Kailie ayaa sheegay in saraakiishan ka socday Zambia, Ghana iyo Kenya ay dhameysteen shaqadooda sanadka ahayd dibna ugu laabanayaan dalalka ay ka soo kala jeedaan.

AMISOM ayaa dhowr mar waxaa ay ku celi celisay in Amniga dalka ay ku wareejinayaan Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah kuwaas oo qaarkood tababar qaatay halka kuwo kalena ay wali ku jiraan xeryaha tababarka Ciidamada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!