Ciidamo ka socda AMISOM oo la geeyay magaalada Cadaado

Ciidamo ka socda Howlgalka Midowga Africa AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug, kuwaasi oo ka qeyb qaadan doono sugidda amniga xilliga doorashooyinka.

Ciidamada AMISOM ee gaaray magaalada Cadaado ayaa ka soo kala jeeda dalalka Jabuuti iyo Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidanka AMISOM ayaa hada baro Ciidan ka sameystay qeybo ka mid ah magaalada Cadaado,waxaana sida la sheegay sugayaan amaanka goobaha lagu wado iney ka dhacaan doorashada xubnah aqalka hoose.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245