Mareeg Media
Somalia

Ciidamo ka mid noqonaya Booliska Hir-Shabeelle oo tababar loo furay

Waxaa magaalada Jowhar ka socota munaasabadda furitaanka Dufcadii labaad ee Ciidanka Booliiska gaarka u ah maamulka Hir-Shabeelle oo gaaraya 200 oo Askari.

Tababarka Ciidamadaas ka mid noqonaya Booliiska Hir-Shabeelle ayaa ka furmay Dugsiga Tababarada Booliiska ee magaalada Jowhar, Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa Maxadweyne ku-xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Ciidamadaan maanta loo furayo Tababarka oo ka mid noqonaya Booliiska maamulka Hir-Shabeelle ayaa laga kala keenay degmooyinka gobolka Shabeelleda Dhexe iyo gobolka Hiiraan.

Dufcadii tan ka horeysay oo gaareysay 200 oo Askari ayaa bilowgii sanadkaan waxaa magaalada Jowhar Tababar mudo u socday ugu soo xiray Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Duc’aale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!