Ciidamo Itoobiya Iyo Gaadiidka Dagaalka Oo Ka Soo Gudbay Doolow * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo Itoobiya Iyo Gaadiidka Dagaalka Oo Ka Soo Gudbay Doolow

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan 35 gawaarida dagaalka ah iyo baabuur kale oo nooca taangiyada qaada ah ayaa saaka markii 2aad 24 saac gudahood ka soo gudbay Doolow Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay aadeen dhanka iyo degmada Luuq halkaasi oo ay isku aruursanayaan, kooxda hore waxaa ay soo gudbeen shalay 5tii galabnimo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay saldhigyo ka dhiban-doonaan Bay iyo Shabeellada hoose halka warar kale ay sheegaan in ay u socdaan Baardheere oo horay ciidamo kale oo Itoobiyaan ah u joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Adis Ababa booqasho ku tagay October 23-keeda isaga oo ka dalbaday in ay gacan ku siiyaan la dagaalanka Al-shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!