Ciidamo ilaalinaya xarumaha Qaramada Midoobay oo maanta ka degay Muqdisho

Read Time:1 Minute, 7 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamo ka socda dalka Uganda oo loogu talagalay iney ilaaliyaan xeryaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa maanta gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Amisom oo uu horkacayey Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nichlos Kay.

Tirada ciidamadaan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 62-askari waxaana ay hordhac uyihiin 410 oo sskari oo lagu wado inay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ka socda Qaramada Midoobay ayaa xiran koofiyadda Qaramada Midoobay, taasina waxa ay muujinaysa inay yihiin ciidan Qaramada Midoobay hoostaga oo Soomaaliya ku sugan oo aan hoostegeyn AMISOM.

Ciidamadan gaarka ah ayaa ku howl geli doona magaca UNGU, waxaana ay yihiin kuwo si gaar ah u tababaran oo sugi doona ammaanka xarumaha Qaramada Midoobey ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana labadii bilood ee u dambeeyay qaadanayeen tababaro gar oo dhawaan loo soo gebagebeeyey.

Afhayeenka ciidanka Milateriga dalka Uganda, Paddy Ankunda ayaa usheegay Wargeyska New Version, in ciidamadaan ay ku dhaqmi doonaan shuruucda caalamiga ee ciidamada Qaramada Midoobay ka jooga dalalka caalamka.

Waa markii u horeysay ee Ciidamo gaar ah oo hoos taga Qaramada Midoobey ay soo gaaraan magaalada Muqdisho muddo 20 sano ah oo ay ugu dambeysay markii Ciidamadii UNISOM ee soo galay Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 1993-dii, xilligaasoo dalka dagaalo sokeeye iyo macluul daran ay ka dhaceen.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.