Ciidamo horleh oo la soo dhigay Isgoysyada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo horleh oo la soo dhigay Isgoysyada Muqdisho

Waxaa Saaka Ciidamo horleh la soo dhoobay Isgosyada Waaweyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii Shaly Qarax khasaaro geystay uu ka dhacay Caasimda Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa ah kuwa rabshadaha ka hortaga, iyada oo la sheegay in loo diyaariyey inay ka hortagaan banaanbaxyo laga cabsi qabo inay ka dhacaan Magalada muqdisho,kuwaas oo la hadal haayey 24kii saac ee la soo dhaafay.

Isgoysyada km4, Dabka, Afarta Darjiino, Sanca, Banaadir iyo Isgoysyo kale oo waaweyn oo ku yaalla Magalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa Ciidamadaas oo wata astaan u gaara ah oo lagu yaqaano Booliska ka hortaga rabshadaha.

Magalada Muqdisho xilligaan kama socdaan wax banaanbax ah, waxaana furan Goobaha Ganacsiga, iyada oo dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u socdan, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Wariyeyaasheena oo soo maray degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Siyaasiyiin iyo Culuma’udiinka Magalada Muqdisho iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka digay banaanbaxa, iyaga oo sheegay in uu yahay mid dano Siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!