Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Bankiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo

Wararka hada aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay ku waramayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ay la wareegeen gacanta ku heynta Bankiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo.

Waxaa la sheegay in Ciidamada ka tirsan kuwa maamulka Puntland ee la wareegay Bankiga dhexe ee Gaakacyo ay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday ,iyagoona sheegay in bilihii ugu dambeeyay wax mushaar ah aan qaadan.

Ciidamadan la wareegay Bankiga Gaalkacyo ayaa la soo warinayaa in ay aad u hubeysan yihiin,isla markaana waxa ay xireen gabi ahaan wadooyinkii geli jiray Bankiga iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca qaar kamid ah Saraaiisha Ciidamada maamulka Puntland ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ay la wareegeen Bankigii dhexe ee Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.