Ciidamo Gaar Ah Oo Loo Diyaariyay Dakedda Weyn Ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay diyaar u yihiin in ay sugaan Ammaanka Dekadda Weyn ee Muqdisho Badeecadaha ka baxaya iyo kuwa soo galaya,waxa uu tilmaamay ay soo dhaweynayaan in Xili habeen ah ay shaqeeyso Dekadda Weyn ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Sugida Ammaanka Dekadda Muqdisho ay ka qeyb qaadan donaan Ciidamo Booliska ah oo dhammaan loo dhameeystiray qalabkooda,kuwaas oo uu sheegay Taliyaha in Sababaha loo geeyay Dekadda Magaalada Muqdisho ay tahay madaama Dekadda ay shaqeeyn doonto Xili habeen ah.

Sidoo kale Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Xusay in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay Ammaankooda sugi donaan Gawaarida Dekadda Habeenkii ka shaqeyn doonta,isla markaana waxa uu ka dhawaajiyay Taliyaha in Ciidamada Booliska ay sidoo kale Sugi donaan Ammaanka Gadiidka qaada Agabyada kala duwan ee Dekadda laga soo dajiyo si Nabad galyo ugu tagaan Goobaha ay u wadaan Badeecadaha ay sidaan sida uu hadalka u dhigay.


About Ardaan Yare 217 Articles
Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga