Ciidamo Ethiopian ah oo ka soo gudbay Xadka Doolow * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo Ethiopian ah oo ka soo gudbay Xadka Doolow

Garbahaareey (mareeg)-Ciidamo Ethiopian ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ka soo gudbeen Xadka Somaaliya ay wadaagaan dalka Ethiopia gaar ahaan dhinaca doolow.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada u jeedkoodu yahay in ay fooda aadiyeen xarumaha ay kaga sugan yihiin Gobollada Gedo iyo Bakool dhaq dhaqaaqa Al Shabaab sida Baardheere iyo Diinsoor.

Dadka shacabka ah ee degan Deegaankada Shabaabku  arrimiyaan ayaa waxaa soo food saaray cabsi xoogan kadib dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee ku soo fool leh.

Al Shabaab ayaa fariisimayaal muhim ah kaga sugan Gobollada Bakool iyo Gedo iyadoona howl gallada haatan ay u muuqdaan kuwa Ciidamadu ay ku doonayaan in looga saaro fariisimayaashaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!