Ciidamo Dheeri ah oo isugu jira Soomaali iyo Amisom oo gaaray Sh. Dhexe

Jowhar – Mareeg.com: Ciidamo dheeraad ah oo ka socda milateriga Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaraay gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo ka baxay Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Jowhar iyo Mahadaay, ciidamo Soomaali ah iyo ciidamo ka socda AMISOM, gaar ahaan dalka Burundi ayaa maalamahan ku qulqulayey Shabeellaha Dhexe.

Lama oga ujeedka ciidamada dheeraad ah loogu diray Shabeellaha Dhexe, hase ahaatee dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa horay u qorsheeyey weeraro Alshabaab looga saarayo degmnooyinka ay weli ka maamulaan Shabeellaha Dhexe.

Alshabaab ayaa weli gobolka Shabeellaha Dhexe ka maamula dhowr degmo oo kala ah: Cadale oo xeebta ku taalla, Aadan Yabaal oo xigta xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Ruunirgood oo xigta xadka Shabeellaha Dhexe la wadaago gobolka Galgaduud.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245