Ciidamo dheeraad ah oo Itoobiyaan oo ku qulqulaya Baay iyo Bakool * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo dheeraad ah oo Itoobiyaan oo ku qulqulaya Baay iyo Bakool

Baydhabo – Mareeg.com: Ciidamo hor leh oo ka tirsan milateriga Itoobiya ayaa xalay iyo saaka gaaray magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.   Wararka saaka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo wata taangiyo ay soo gaareen Baydhabo, iyadoo halkaas laga dareemo abaabul dagaal.   Lama oga halka ciidamada foolka saari doonaan, hase ahaatee Raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay iney markale qaadayaan guluf colaadeed oo ka dhan ah Alshabaab.   Milateriga Itoobiya ayaa ayaa tan iyo todobaadkii lasoo dhaafay ku qululayayey gobollo ka mid ah Soomaaliya oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.   Tilaabadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya lagu biiriyey AMISOM, waxaana haataan shaki badan ka jiraa tirada ciidamada Itoobiya ee soo gelaya Soomaaliya, iyadoo tirade looga qoondeeyey AMISOM tahay 4000 askari.   Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.