Ciidamo Cusub Oo La Geynaayo Xabsiga Dhexe Ee……..

Read Time:39 Second

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM la geeyo Xabsiga dhexe ee Xamar si ay uga qeyb qaataan sugida amniga Xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in taliyaha Ciidanka booliska Somaaliya uu ka codsaday in Ciidamo AMISOM ah lagu soo xoojiyo Xabsiga si ay amniga u xaqiijiyaan.

Waxa uu sheegay in  tiro yar oo Booliska AMISOM ah ay joogaan balse loo baahan yahay Ciidamo kale oo ka socda AMISOM oo xoojiya,maadaama taliskii ciidanka Asluubta uu u gaaray Xaruntiisa Wey n ee ku taalla duleedka Muqdisho.

Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ku jira dad badan kuwaas oo siyabo kala dwuan loo soo eedeyey,haba ugu badnaadaane kuwo loo keenay dhaqancelin.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %