Ciidamo cusub oo la geeyay Marka
Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa shalay gaaray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya iyo xubno ka socda wadamada taageera dowlada federaalka Soomaaliya.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in ay gaareen ciidamo yar oo boolis ah,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona howlaha sugida Amniga magaalada.
Waxaa la sheegay in Ciidamadan ay hordhac u yihiin Ciidamo kale Boolis ah oo la geyn doono Magalada Marka,iyagoo ku biiraya ciidamo ka tirsan kuwa guutada 14-ka October oo dhawaan al shabaab kala wareegay degmadaas.
Ciidamada al shabaab kala wareegay marka ayaa waxaa hoggaaminayey Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood.
Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Magalada Marka ayaa waxa ay horey ugu baaqeen in dadkii ka barakacay Magaalada ay dib u soo laabtan,isla markaana guryadooda ku soo noqdaan.
Comments are closed.