Ciidamo cusub oo dowladda Imaaraadka Carabta ku tababartay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo cusub oo dowladda Imaaraadka Carabta ku tababartay Muqdisho

September 3 (MAREEG)— Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar u soo xiray Cutubkii labaad ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya oo dowladda Imaaraadka Carabta ku tababartay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo lagu qabtay xero Agoon ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka socday labada gole ee Dawladda iyo Saraakiisha Ciidamadda Qalabka Sida, saraakiil ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta.ciidan-tababar-7

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay Ciidamadan inay kaalin wax ku ool ah ka geysan doonaan dhismaha Ciidan qaran ee hufan oo dheeli tiran, isla markaana ku shaqeynaya wadaniyad, wuxuuna mahadcelin u jeediyey dowladda Imaaraadka Carabta oo Tababarkan bixineysay.

“Tababarkaan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan oo dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya muhiimadda koowaad in ay siinayso sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeyana ka baxsan eex iyo cid gooni ah.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in dowladda Imaaraadku mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan ciidanka Qalabka sida tababar iyo taakuleyn joogto ah, isagoo mahad balaaran u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad shacabka Soomaaliyeed u adeegtaaan oo aad difaacdaan isla markaana aad dhowrtaan xaquuqda shacabka oo aanan lagu xadgudbin. Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gataan waajibaadka qaran ee ay u igman yihiin”ayuu yiri Wasiir Diini.

Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb qaadaneysa dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya, waxaana horay Saanado milateri iyo Gaadiid Milateri ay ugu deeqday Ciidamada Soomaalida.

ciidan-tababar-2ciidan-tababar-

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.