Ciidamo Boolis ah oo la soo dhigay qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo Boolis ah oo la soo dhigay qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho

Ciidamo ku labisan dharka Booliska ayaa la soo dhigay qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadan ay yihiin kuwii horay loo bedelay ee ka tirsanaa Xasilinta ee hoos tagayay Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Ciidamadan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah Isgoysyada Waddooyinka Muqdisho, sida Maka Al-Mukarama iyo qeybo ka mid ah Wadnaha iy

Is bedelka lagu sameeyay Ciidamadii xasilinta ee tan iyo sanadkii la soo dhaafay sugayay ammaanka Caasimadda ay qeyb ka tahay qorshe cusub oo la sugayo amniga magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska ayaa wixii hadda ka dambeeya hoggaanka ciidamada iyo howlaha sugida amniga waddooyinka Caasimadda la wareegaya, waxaana qeyb ka mid ah ciidanka Booliska ee sugaya ammaanka waddooyinka ay hoos-tagayaan Taliyihii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir Saadaq John oo loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda Hey’addaha ammaanka dowladda kama hadlin qorshaha is bedelka Laamaha amniga, gaar ahaan Ciidamadii Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Taliskooda oo loo wareejiyay Taliska Booliska.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!