
Marka (Mareeg)—Janaraal Yuusuf Cali Cageey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo hogaaminayay Ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo Militari oo Shalay la geeyay magaalada Marka ayaa faah faahin ka bixiyay Ciidamadaasi la geeyay Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Janaraal Yuusuf Cali Cageey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka Ciidamadaasi loo geeyay Magaalada Marka ay tahay sugida amaanka iyo sidii Magaaladaasi markale uusan uga dhicin Dagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed oo wada degga Magaaladaasi.
Dhinaca kale, Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Xalay labo bam gacmeed ay ku tuureen Bar-koontarool ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bam gacmeed kale ayaa Sidoo kale Saakay waxaa lagu weeraray Ciidamada Dowladda Soomaaliya eek u sugan magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay Bambaanooyinkaasi lagu weeraray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Xarunta Gobolka Sh.Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.