Ciidamo Gaashaan Group Ah Oo Buux Dhaafiyay Garoonka Kismaayo

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay Maanta barqanimadii gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan ciidamada Gaashaan Group ee qeybta ka ah Ciidamada nabad sugida Soomaaliya.

Ciidamadan Oo tiradooda lagu sheegay 350 ayaa waxaa hor kacaya sarkaal Magaciisa lagu sheegay Bishaar Dheere, waxana sida aan wararka ku helayno ay isku fidiyeen inta u dhaxeysa garoonka Kismaayo ilaa Xarunta Madaxtooyada Magaalo Xeebeedkaasi.

Ciidamadan sida qaaska ah u tababaran ee lagu magacaabo Gaashaan Group ayaa horudhac u ah Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in barito aroortii uu gaaro Magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa inoo xaqiijiyay in magaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqa Ciidamada Gaashaan Group, iyagoo si aad ah u sugaya amniga Magaalada isla markaana gaaf wareegaya xaafadaha ku dhaw dhaw garoonka diyaaradaha Magaaladaasi Kismaayo.

Madaxweynaha dowlada fedraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr mar baajiyay safaro uu ku tagi lahaa Magaalo xeebeedka Kismaayo taasoo caro xoogan ay ka muujiyeen Siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.sababaha ugu waa weyn ee soo da dajiyay safarka Madaxweynaha ayaa lagu sababeynayaa heshiiskii dhawaan dhex maray dowlada fedraalka iyo maamulka kmg ah ee jubba ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe,waxana barito la rajeynayaa in kulamo uu madaxweynaha la yeesho dhinacyadii ku hardamay Magaaladaasi.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa xalay ka daganeyd sidii ay ahayd habeenadii hore kadib markii labo habeen ka hor ay weerareen Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi, balse xaalka ayaa Caawa dagan iyadoo lagu wado in barito uu gaaro Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo in si aad ah loogu soo dhaweeyo gudaha Magaaladaasi.