Ciidamo Ajaaniib ah oo Weerar ka fuliyay Sh.Hoose
Ugu yaraan labo Ruux ayaa lagu dilay kadib markii howlgallo gaar ah ay Ciidamo Ajaaniib ah ka fuliyeen Degaaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Howlgalladan ayaa si gaar ah looga fuliyay Degmada Awdheegle iyo Degaanka Bariire oo la aaminsan yahay in ay maamulaan Xoogaga Al Shabaab.
Ciidamo hubeysan oo ka soo daatay Diyaarado Dagaal ayaa ku hoobtay halkaasi, waxaana halkaasi sida la sheegay ay ku dileen labo Ruux oo lagu tuhmay Al Shabaab.
Dadka Degaanka ayaa Mareeg Online u sheegay in Ciidamada Ajaaniibta ay sidoo kale nolosha ku qabteen ilaa 7 kale.
Lama oga ragga la dilay iyo kuwa la watay in ay ka mid yihiin Xoogaga Al Shabaab.
Weli lama shaacin halka ay ka soo jeedaan Ciidamadii fuliyay howlgalladii Xalay ka dhacay Degaanada ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Balse, Ciidamada gaarka ee Mareykanka ayaa inta badan howlgallo qorsheysan ka fuliya Degaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya.
Comments are closed.