Ciidamo aad u hubeysan oo la wareegay xarrunta & saldhiga Booliska Kaaraan (Sababta?)

Read Time:1 Minute, 8 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira boolis iyo nabadsugid ayaa saaka la wareegay xarrunta iyo saldhigga booliska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo sida dadka deegaanku sheegeen ineysan horay uga howlgeli jirin degmadaas ayaa lagu arkay xarrunta degmada oo ku taalla Isgoyska degmada Kaaraan iyo saldhiga booliska oo ku yaalla ka horjeedka Suuqa degmadaas.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in sababta ciidamadan ula wareegeen ay tahay iyadoo gudoomiyihii degmadaas, Cali Calasow Xasan oo xilka laga qaaday oo diiday inuu xilka ku wareejiyo gudoomiyaha cusub.

Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay, wareegto kazoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka looga qaaday gudoomiyihii degmada Kaaraan iyo xigeenkiisa, Cali Calsow iyo Muxudiin Culusow, waxaana xilalkaas loo dhibaay labo mas’uul oo cusub.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in ciidamadaan booliska iyo kuwa nabad sugida ee la wareegay xarunta iyo saldhiga degmada Kaaraan.

Lama sheegin wax shaqaaqo ah oo ka dhacay degmada Kaaraan kadib markii booliska iyo nabadsugidda gobolka Banaadir ay awood gudoomiyihii hore uga wareejiyeen xarrunta iyo saldhiga booliska degmad Kaaraan.

Horay ayaa Muugaab wuxuu xilka uga qaaday gudoomiyaashii degmooyinka Shibis, Hiliwaa, Boondheere, iyo Dharkeynley, waxaana maalmahan la hadal hayey in gudoomiyaal kale weyd doonaan xilka ay hayaan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.