Ciidamada Maamulka Somaliland Oo Qabtay Sarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab

Read Time:1 Minute, 29 Second

Hargeysa – Mareeg.com: Sarkaal horay uga tirsanaa jiray Alshabaab, hase ahaatee ka goostay ayey qabteen ciidamada maamulka Somaliland saaka waaberigii ka qabteen deegaanka Xidh-xidh ee Gobolka Sool.

Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Maxamed Axmed “Carabeey” ayaa laga qabtay deegaan ka tirsan Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa, isagoo sida la sheegay doonayey inuu maamulka isu dhiibo.

C/llaahi Maxamed Axmed “Carabeey” ayaa la sheegay inuu ka goostay Alshabaab kadib markii uu ururkaas ka dhex dhacay khilaaf keenay in la dilo qaar ka mid ah hogaamiyaasha Alshabaab.

Sarkaalkan la qabtay ayaa ka mid ahaa dad ay raadinayeen laamaha amaanka Somaliland oo uu deegaan ahaan kazoo jeedo.

Waxaa jira warar sheegaya in qabashada ninkaan horay uga tirsanaa Alshabaab ay qabashadiisa gacan ka geysteen ciidamo ka socda dowladda Itoobiya. sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in sirdoonka Mareykanku lug weyn ku lahaa farsamaha lagu qabtay Carrabey.

Sarkaalkan la qabtay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee xagga Amniyaadka u qaabilsanaa Amiirka Alshabaab Abuu Zubeeyr.

C/llaahi Maxamed Axmed (Carabay) oo ay walaalo yihiin Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland waxa uu deegaanka laga qabtay ku sugsnaa in muddo ah, isagoo la sheegay in wadahadal dhex maray isaga iyo xukuumadda Somaliland isla markaana uu ku doonayey in uu isku soo dhiibo balse hadana waxa la sheegay in ay caqabad ka hor timid wadahadalkoodaasi, kadibna uu bur buray.

Ilo wareedyo u dhuun daloola Hawl galka lagu soo qabtay Carabeey ayaa sheegaya in ay hagayeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Maraykanka, kuwaas oo Ciidamada Somaliland iyo kuwa Itoobiyaba kala qayb qaatay.

Deegaanka Xidh xidh ayaa maalmahanba looga shakisnaa kooxdani in ay doonayso in ay ka abuurto saldhig isku xidha Al-shabaabta Buuralayda Gal-gala iyo Koonfurta Somaliya si sahay iyo Zaad-ba ay u marsadaan.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.