Ciidamada Uganda oo xerada Jaziira ku tababaray dagaalyahano Alshabaab ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Uganda oo xerada Jaziira ku tababaray dagaalyahano Alshabaab ah

Kampala – Mareeg.com: Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la sheegay iney xerada tababarka Jaziira ee magaalada Muqwdisho ku tababareen 10 ka tirsan Alshabaab, sidaas waxaa werisay The New Vision oo kasoo baxda dalka Uganda.

Arrintaan waxaa shalay oo talaado aheyd maxkamad milateri oo ku taalla deegaanka Makindy ee banaanka Kampala ka sheegay sarkaal tababare ah oo ka tirsanaa ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Jackson Byabagambi, islamarkaana Soomaaliya ka howlgalay dib ugu laabtay dalkiisa.

Marqaatiga sarkaalkaan bixiyey ayaa timid kadib markii dalka Uganda maxkamada lagu soo taagay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Uganda, kuwaasoo lagu kala magacaabo Maj. Frank Kawero, iyo Capt. Hassan Wantimba oo labaduba kazoo mid noqday hogaanka tababarka xerada Jaziira.

Labadaan sarkaal ayaa lagu eedeeyey iney ku kaceen khiyaano ah fududeynta in xubno ka tirsan Alshabaab ku tababartaan xerada Jaziira ee ku taalla Muqdisho, laguna tababaro ciidamada Soomaaliya ee (SNA).

Jackson Byabagambi ayaa maxkamadda u sheegay in dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ku tababarteen xerada Jaziira, iyadoo amarkaas uu lahaa sida uu yiri Capt. Hassan Wantimba.

Wuxuu sheegay Jackson Byabagambi in taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya ee xerada Jaziira uu raggaas Shabaabka ah ka joojiyey tababarka, maadaama ay noqdeen dad aan la aqoonin halka ay kazoo galeen, islamarkaana aysan ku jirin jadwalka.

Wuxuu sheegay in markaas kadib ay wada hadleen taliyaha milateriga Soomaaliya ee xerada Jaziira iyo Maj. Frank Kawero, iyo Capt. Hassan Wantimba, kadibna ragaas mar kale loo ogolaaday iney sii wataan tababarkooda.

“Maj. Frank Kawero, iyo Capt. Hassan Wantimba ayaa la kulmay taliyaha milateriga Soomaaliya ee (SNA), markaas kadib ayaa Capt. Hassan Watimba wuxuu inoo sheegay inaan sii wadno tababarka aan siineyno raga Alshabaabka ah annagoo aan qaadin wax welwel ah, hase ahaatee wuxuu nagu wargeliyey inaanan isticmaalin aqagba ciidamada qanarka Soomaaliya” ayuu Byabagambi maxkamadda ka hor sheegay.

Sarkaalkan tababaraha ah ayaa sheegay in tababarka la siiyey kooxda ka tirsan Alshabaab uu dhacay labo todobaad oo uu maqnaa taliye Itoobiyaan ah, kaasoo howasha kusii dhaafay sida uu yiri Maj. Frank Kawero, iyo Capt. Hassan Wantimba.

Ugu dambeyntii, sarkaalkan ayaa sheegay in Capt. Hassan Wantimba macallimiinta tababarayaasha ah u sheegay iney diyaaar garoobaan tababaridda koox kale oo ka tirsan Alshabaab.

Maxkamadda qaadeysa dacwadda labada sarkaal, islamarkaana dhegeystay sarkaalka ku maragfuray weli magaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan xaqiiqada eedeyntaan ku saabsan in ciidamada Uganda tabar siiyeen Shabaabkii ay Soomaaliya u tageen iney la dagaallamaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!