Ciidamada Ugand ka jooga Soomaaliya oo dacwooday

Read Time:1 Minute, 26 Second

Mareeg.com: Waxaa markale soo baxaya cabasho ka imaaneysa qaar ka mid ah ciidamada AMISOM, gaar ahaan dalka Uganda, taasoo ah inaan dhowr bilood la shin mushaar.

Xildhibaan ka tirsan Gudiga difaaca baarlamaanka Uganda ayaa sheegay in mid ka mid ah ciidamadooda ku sugan Soomaaliya uu taleefan kula soo hadlay, isla markaana uu ku wargeliyay in uusan lix bilood mushaar qaadan.

“Askarteena ku sugan Soomaaliya ayaa igu soo wargeliyay inay ka cabanayaan mushaar la’aan, mid ka mid ah askarta ayaa taleefan igula soo hadlay”ayuu yiri Xildhibaan Muwama.

Gudiga difaaca Baarlamaanka Uganda ayaa si deg deg ah u dalbaday in Wasaarada Gaashaandhiga dalkaas ay si deg deg ah u hor-timaado si wax looga weydiiyo cabashada ciidamada ee ku saabsan mushaar la’aan.

“Markii aan diiwaan geliyay arimo badan oo iiga imaanayay askarteena ku sugan Soomaaliya, waa arrin wasaarada difaaca looga baahan yahay inay shaaciso xiliga ay na hor imaanayaan inta gudiga dicaafa iyo arimaha caalamka uusan kulmin” sidaasi ayuu yiri xildhibaan Muwuma.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada difaacaa ayaa sheegay inay jadwaleeyeen xiliga ay la kulmayaan gudiga difaaca iyaga oo kala hadlay qorshaha miisaaniyada 2014-2015.

Taliyaha ciidamada difaaca Uganda Gen Katumba Wamala ayaa Talaadadii sheegay in dib u dhaca dhaqaalaha uusan aheyn qiyaano lagu sameynayo ciidamada Uganda. Laakiin wuxuu sheegay inay jiraan lacago aan askarta loo siinin sida mushaaradka oo kale laakiin loo siiyo sida gunooyin ay leeyihiin.

“AMISOM ma ahan howlgalka Uganda, waxaa qaabeeya Midowga Africa, haddi aysan la siinin lacagtana ma u gudbin karno ciidamadeena”ayuu hadalkiisa kusii daray taliyaha ciidamada Uganda.

Askari kasta oo ka mid ah Howl galka AMISOM ayaa mushaar ahaan u qaata lacag dhan $1028, waxaana qarashaadkaas bixiya Midowga Yurub, lacagtaas oo mararka qaar soo daahda.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.