Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Soomaliland oo awood kula wareegay Xarumaha Xisbiga WADANI

Ciidamada Soomalailand ayaa saakay aroortii hore waxaa ay si xoog ah ku galeen Xarumo uu Xisbiga WADANI ee Soomalailand ku leeyahay Magaalooyinka Berbera iyo Ceeri-gaabo ee Gobolada Togdheer iyo Sanaag.

Ciidamada ayaa waxaa ay la wareegeen Xarumaha xisbiga, iyada oo la soo sheegayo in loo diiday dadka inay galaan ama kasoo baxaan,waxaana hakad ku jiray Shaqadii Xarumahaas.

Arrintaan ayaa waxaa ay salka ku heeysaa khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxda talada heysa ee Soomaaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI taas oo todobaadkaan ka jirta magaalooyin ka tirsan Soomaaliland.

Xiisada u dhaxeeysa madaxda Sare ee Soomaaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa waxaa ay khalalaaso siyaasadeed ka bauurtay deegaannada Soomaaliland oo siwyen loo dareemay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!