Ciidamada Soomaaliya oo si xoog leh loo dhisayo ilaa sanadka 2019 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Soomaaliya oo si xoog leh loo dhisayo ilaa sanadka 2019

Mareeg.com: Shirkii 18-kii bishaan September 2014 lagu qabtay magaalada Lonodn ee dalka Ingiriiska, logana hadlayey dhismaha ciidamada Soomaaliya ayaa laga soo saaray qorshayaal lagu taageerayo ciidamada qalabka sida ee dalka.

Dalalka deeqaha bixiya ayaa taageero lacageed ugu deeqay ciidamada dowladda Soomaaliya, si loo tayeeyo awoodda ciidamada dowladda, loogana maarmo ciidamada shisheeye.

Dalalkii shirka ka qaybgalay ayaa isku raacay in ciidamada Soomaaliya la dhiso illaa sanadka 2019-ka, sidoo kalena la taageero howlgallada ay kula jiraan ciidamada Somalia Al-shabaab.

Mareykanka ayaa taageero dhaqaale oo $5 Milyan oo dollar ah ku deeqay si wax looga qabto baahiyaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo tan ciidamada xoogga dalka, taasoo lasoo marin doono hay’adda UNSOA.

Qodobbada kale ee shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah in muddo kooban lagu xoojiyo ciidamada Soomaaliya si ay ugu guuleystaan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay kaga sugan tahay Somalia.

“Go’aannada shirka kasoo baxay waxaa ugu muhiimsan in ciidamada xoogga Soomaaliya dhaqaale lagu taageero illaa sannadka 2019-ka, si awooddooda loo xoojiyo, iyadoo dalalka deeqaha bixiya ay sidoo kale isku raacaan inay la yeeshaan ciidamada Somalia xiriir dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sh. Xasan Xaamud.

R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey taageerada deeq-bixiyaashu ugu yabooheen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Lancaster House ee London ayaa waxaa ka qaybgalay wafdi ay ka mid yihiin; ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh, xubno ka socda AMISOM iyo wufuud ka socday dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Burundi, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Itoobiya. Waxaa kaloo goobjoog ka ahaa; Midowga Yurub, Talyaaniga, Turkiga, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo mas’uul ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More