Muqdisho – (Mareeg.com): Miltaeriga Soomaaliya ayaa shalay furay qaar ka mid ah wadooyinka Suuqa Xoolaha oo xirnaa muddo ku dhow labo sano.
Goobjoogayaal ku sugan Suuqa Xoolaha ayaa Mareeg.com u sheegay in ciidamada Milateriga Soomaaliya ay faarujiyeen guryo badan oo ay deganaayeen hareeraha laamiga Suuqa Xoolaha.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii Alshabaab laga saaray Muqdisho aan har iyo hyabeen marna faarujin hareeraha laamiga Suuqa Xoolaha, waxaana taasi keentay dhismayaal badan lagu ganacsa waayo.
Arrintaan ayaa timid kadib markii isbadel lagu samyeey ciidamada Milateriga oo halkaas deganaa, iyadoo meesha laga saaray difaacyo badan oo ciidamada u yaallay labadii sano ee lasoo dhaafay.
Ciidamada ayaa degay meelo gaar ah oo ka mid ah Suuqa Xoolaha, waxaana dadka deegaanku sheegeen in saraakiisha hogaamineysa ciidamada cusub ee la geeyey halkaas dadka u fasaxeen iney baheenkii socon karaan.
Lama garanaya saameynta arrintaan ku yeelan doonto amaanka Suuqa Xoolaha oo ka mid ah goobaha ugu amaanka xun Muqdisho.
Ciidamada Amisom ayaa degan xerada Maslax oo ku taalla halka looga baxo Suuqa Xoolaha dhanka wadada Balcad, waxaana yaraay qaraxyada ciidamadaas lala beegsado marka ay marayaan wadada Suuqa Xoolaha.
Mareeg.com