Baydhabo, Mareeg.com: Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo is kaashanaya ayaa la wareegay deegaanno hoos-taga degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Ciidamada is garabsanaya ee Soomaalida iyo Itoobiyaanka ayaa howlgal milateri kula wareegay deegaannada Moore Waraabe, Walaq iyo Is-koris oo dhammaantood ka tirsan degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Guddoomiyaha degmada Berdaale, Maxamed Isaaq Qaracase yaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dalka Itoobiya ay billaabeen howlgallo la doonayo in gobolka looga saaro Al-Shabaab.
“Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya waxay maanta qaadeen howl gal ay kula wareegeen deegaanada Mooro-Waraabe, walaq iyo iyo is koris oo ahaa dhamaantood deegaano hoos yimaada degmada Bardaale”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq Cara-cas.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in deegaannadaas ay ka talin jireen xoogagga Al-shabaab, ayna ku suuro-gashay inay ciidammadu maanta kala wareegaan howlgal ay ka sameeyeen duleedyada degmadaas ciidamada is-bahaysanaya.
“Howlgalladan waa kuwo la doonayo in gobolka oo dhan looga saaro Al-shabaab, waana sii soconayaan inta laga xaqiijinayo qorshaha lagu doonayo in degmadaas oo dhan looga sifeeyo Al-shabaab,” ayuu sidoo kale yiri Carra-Cas.
Gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin ciidamado ka socda AMISOM ayaa waxaa sidoo kale jooga kumanaan ka torsan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida, waxeyna maalmahaan wadeen dhaqdhaqaaq ciidan.
Alshabaab ayaa weli maamula deegaaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bay sida Diinsoor iyo Ufuroow, iyadoo horay Alshabaab looga saaray Buur-hakaba iyo Qansax-dheere.
Mareeg.com