Ciidamada Soomaaliya iyo Amison oo qabsaday deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud

Wabxo – Mareeg.com: Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay galab la wareegay deegaanka Wabxo oo 42 kilo-mitir u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka dowladda Soomaaliya ee gobalka Galgaduud, Cabdixakiin Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in aanu wax dagaal ah ka dhicin halkaas, isla markaana maleeshiyada al-Shabaab ay isaga carareen deegaanka.

“Si nabad ah ayaan ku galnay deegaanka Wabxo, Al-shabaab markii ay maqleen in deegaankaas aan ku wajahannahay ayay isaga baxeen,” ayuu yiri C/xakiin Dhega-weyne oo ka war-bixinayay sidii ay ula wareegeen deegaanka Wabxo.

Wuxuu intaas ku daray inay caadi yihiin ganacsiga iyo isu socodka shacabka, balse wuxuu tilmaamay in xaalad bani’aadannimo ay heysato shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in gargaar bani’aadannimo la gaarsiin doono deegaanka Wabxo oo uu sheegay in dadka ku nool halkaas aanay wax gargaar ah helin muddadii ay al-Shabaab heysatay.

Gudoomiyaha Alshabaab ee gobolka Galgaduud, Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa dhankiisa sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay meel ka baxsan deegaanka Wabxo.

Xasan Yacquub ayaa sheegtay in Alshabaab guul ka gaareen sida uu yiri dagaal ay ku qaadeen ciidamo ka baxay Ceelbuur oo saad ciidan u siday ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Maxaas.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245