Ciidamada Soomaaliya iyo Amisom oo weeraray goob lagu sheegay sarkaal Alshabaab ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Soomaaliya iyo Amisom oo weeraray goob lagu sheegay sarkaal Alshabaab ah

Xudur – Mareeg.com: Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee ka socda Itoobiya ayaaa saaka wear ku qaaday deegaan 45 KM u jira degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay sheegeen in lagu soo wargeliyey inuu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Deegaanka ciidamada huwanta saaka weerareen ayaa lagu magacaabaa Kulan-Jareer, waxaana gacanta ku hayay Al-Shabaab oo kala xiray degmooyinka Xudur iyo Waajid.

Taliayaha milateriga Soomaaliya qeybta gobolka Xudur, Maxamed Timacadde ayaa warbaahinta u sheegay in ka warheleen in deegaanka Kulan-Jareer uu ku sugan yahay sarkaal Alshabaab ah oo lagu magacaabo, Sheekh C/laahi Dheere, saakana ay weerar ku qaadeen.

Sarkaalkan ayaa sheegay iney dileen 4 xiidamadii uu watay sarkaalkaas Shabaabka ah, islamarkaana gubeen mid ka mid ah gaadiidii uu watay.

“Waxaa maanta ciidamada dowladda Soomaaliya u suuro gashay in ay weeraraan wakiilka Al Shabaab u qaabilsan gobolka Bakool Sheekh C/laahi Dheere, waxaana degaanka kulan ku dilnay ugu yaraan 4 ka mid ah ilaaladiisa” ayauu yiri sarkaalkaas ka tirsan milateriga Soomaaliya ee gobolka Bakool.

Timacadde ayaa sheegay iney weli ku raadjoogaan saralka Shabaabka ah ee lagu magacaabo C/llaahi Dheere, isagoo xusay iney soo dilaan ama nolo kusoo qabtaan sida uu yiri.

Magaalada Xudur ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana magaaladaas Alshabaab saareen xayiraad, iyadoo loo diiday in loo gudbiyo adeegyada ganacsi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!