Ciidamada Soomaaliya iyo Amisom oo saaka ku wajahan deegaanka Moqokori

Read Time:33 Second

Maxaas – Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka ku wajahan tuulada Moqokori oo hoostagta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil u hadlay ciidamada huwanta ah ayaa sheegay iney ku sugan yihiin deegaan aad ugu dhow Moqokori, islamarkaana qorsheynayaan iney gudah u galaan tuulada.

Wararka ka imaanaya Moqokori ayaa sheegaya in Alshabaab shalay galab isaga baxeen degaankaas, islamarkaana xalay uu ahaa meel aysan joogin cid hubeysan.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanka Moqokori uu Alshabaab ugu yaallay xabsi ay dadka ku xiraan.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku biiray Amisom ayaa dhwaan la wareegay degmada Maxaas oo ay hoostagto tuulada Moqorkori ee gobolka Hiiraan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %