Ciidamada Soomaaliya iyo Amisom oo Alshabaab kala wareegay Tayeeglow

Mareeg.com: Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Tiyeglow ee Gobolka Bakool.

Ciidmadan ayaa la sheegya in maanta duhurkii ay magaalada qabsadeen. Tiyeglow waa degmadii ugu dambaysay degmooyinka Rasmiga ah ee Gobolka Bakool ee Laga qabsado al-Shabab.

Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Tool ayaa VOA u sheegay in qorshaynta iyo diyaarinta weerarkan ay socotay shanti maalmood ee la soo dhaafay.

Dadka ku nool deegaanka ayaa sheegay in al shabaab dhinaca duurka u baxsatay, kadib markii ay halkaas ku dhawaadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Alshabaab ayaa xaqiijiyey in degmada Tayeeglow gashay gacanta ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya, waxeyna sidoo kale sheegeen in halkaas dadka deegaanku ka barakaceen.

Degmada Tayeeglow ayaa ha degmo ku jirta dhul aan inta badan la aadin, maadaama aysan marin wadooyinka waaweyn ee Soomaaliya, waxeyna ku taalla gobolka Bakool, meel ku dhow halka uu xadka kala leeyahay gobolka Hiiraan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245