Ciidamada Soomaaliya iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Baay

Berdaale – Mareeg.com: Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Alshabaab ayaa markale ku dagaallamay deegaan ka tirsan gobolka Baay.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay labo kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Kurtun oo 30 km dhinaca koonfur uga beegan degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Kurtun, waxaana guddoomiyaha degmada Berdaale, Maxamed Carre-case sheegay iney la wargeen saldhigii Alshabaab.

Afarta qof ee ku dhintay dagaalka waxay isugu jireen labada dhinac. Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka.

Baay iyo Bakool ayaa ka mid ah deegaanada Alshabaab ku xoogan yihiin, islamarkaana ay ku leeyihiin saldhigyo waaweyn oo dhaca gudaha dhulka keymaha ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245