Ciidamada Soomaaliya & Amisom oo raashin gaarsiiyey Buul Barde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Soomaaliya & Amisom oo raashin gaarsiiyey Buul Barde

Mareeg.com: Gargaar labo malmood ka hor ka baxay degmada Baledweyne ee gbolka Hiiraan, loona weday degmada Alshabab go’doomiyeen ee Buulo Barde ayaa saaka halkaas garay.

Kolonyada gargarka ah waxaa galbinayey ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti iyo Itoobiya, waxaana shalay dagaallo goos goos ah ku qabsadeen wadada isku xirta Baledweyne iyo Buul Barde.

Raashin ka badan 200 oo tan oowaxaa ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

Taliyaha ciidamada militariga gobolka Hiiraan Col Towane Axmed Gurey ayaa  sheegay in ay goor dhaw gaareen  degmada, inkastoo sidda uu sheegay ay la kulmeen jidgooyo ay u dhigeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

“Gadiidka iyo ciidamada xalay waxaa ay ku hakadeen deegaannka Beero-yabaal si aan isku aragno cadawgga, saakay markii aan halkaa ka dhaqaaqnay ayeey isku dayeen in  jidgooyo noo dhigtaan, hasse ahaatee khasaare xoog leh ayeey arrintaa kala kulmeen waxaan goobta ku dillay 20 ka tirsan Al-shabaab,’’ ayuu yiri Col Towane Axmed Gurey.

Dadweyn siweyn ugu baahnaa gargaarka saakay gaaray degmada Buula-bure ayaa la sheegay in ay isugu soo baxeen jidadka iyo xaafaddaha degmada iyaga soo sita boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo ay ku soo dhawenayaan ciidamada iyo gargaarka la soo gaarsiiyay.

Dagaal shalay ka dhacay wadada dheer ee xiriirsa Beledweyne iyo degmada Buula-burte ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhitay in ka badan 10 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii uu iska horimaadka dhaxmaray.

Degmada Buulo Barde oo bilowgii sanadkaan ay qabsadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Alshabaab go’doomiyeen, waxaana halkaasi ka dhacay baahi daran.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!