Ciidamada Soomaaliland oo saakay xiray 9 Ruux oo Ajaanib ah+Sawiro
Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xiray sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaraadka Carabta kuwaas oo si sharcidarro ah uga ugaarsanayay gudaha Somaliland.
Raggan ayaa aroornimadii maanta lagu qabtay garoonka diyaaraha Hargeysa iyagoo doonaya in ay dhoofaan,isla markaana ay ku wajahnaayeen dalkaasi Imaaraadka Carabta.
Raggan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxa la ogaaday in ay si sharcidarro ah u ugaarsanayaan.
Warkan waxa xaqiijiyay agaasimaha Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Soomaaliland Naasir Xuseen.
Comments are closed.