Ciidamada Soomaaliland oo qabtay maraakiib si sharci darro ah u kalluumeysanayay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Soomaaliland oo qabtay maraakiib si sharci darro ah u kalluumeysanayay

Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa qabtay illaa Afar Markab oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Somaliland.

Afarta Markab ee sida Sharci-darrada ah uga kalluumaysanayey Xeebaha Galbeed ee Somaliland ayaa waxa qabtay Ciidammada ilaalada Xeebaha ee fadhiisinkoodu yahay Gobolka Selel, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliland.

Maraakiibtan oo ay saarnaayeen Tobaneeye Shaqaale ah ayaa waxa laga leeyahay Dalka Masar.

Soomaaliland ayaa horay waxaa ay digniin ugu dirtay maraakiib ay sheegeen inay si sharci darro uga kalluumeystaan Xeebaha Soomaaliland,sidoo kalena Ajaanib ay ka masaafuriyeen deegaanadooda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!