
Ciidamada Soomaaliland oo Gudaha Ugalay Magaalada Boocame ee Gobolka Sool.
Wararka laga helayo deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayan in Duhurnimadii Maanta ay deegaankaas tageen Ciidamo a tirsan Milateriga Soomaaliland,waxaana halkaas horey ugu sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
Ciidamadaan ayaa dad ku sugan Gobolka Sool waxaa ay sheegeen inay ahaayeen kuwo ka yiid dhinaca deegaano kamid ah Gobolkaas,iyaga oo Muddo saacado ah ku sugnaa deegaanka Boocae wallow markii dambe ay isaga baxeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay maanta jirto xiisad u dhaxeysa Ciidamada Soomaaliland ee tegay deegaanka Boocame iyo kuwa Puntland,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay cabsi dareeayaan.
Deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa tira ka dhowr jeer ah isku bed bedelay Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland,waxaana Puntland ay horey u sheegtay inay saldhigwyen ka sameysan doonto.