Ciidamada Sierra Leone oo laga daad gureeyey Soomaaliya (Sawirro)

Mareeg.com: Waxaa maanta dalka Soomaaliy isaga baxay ciidamadii ka socday dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Sierra Leone, kuwaasoo ku sugnaa gobolka Jubada Hoose, waxaana ciidamadani ay dib ugu laabteen dalkooda.

Midowga Afrika ayaa dhawaan shaaciyay in ciidamada Sieraleone ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, iyadoo arintaasi sabab looga dhigay ciidamadii  ku sugnaa Soomaaliya oo waayay badal, maadaama dalkaas uu kamid yahay dalalka Afrika ee uu sameeyay cudurka dilaaga ah ee EBOLA.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u diiday in kala badel lagu sameeyo ciidamada ka socday dalka Sierra Leone, si looga fodaado iney dalka soo geliyaan cudurka halista ee Ebola.

Ciidamadan oo ay tiradoodu gaareeysay ku dhawaad 900 oo askari ayaa maanta waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka daadgureeyay diyaarado ay leeyihiin Qaramada Midoobay.

Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Jubbaland, Max’ed Warsame Faarax Darwiish oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka yaa sheegay in ciidamada Sieralone ay gabi ahaanba isaga baxeen Soomaaliya, isagoo sheegay in lagu soo bedeli doono ciidamo ka iman doona dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Masuulkan ayaa sheegay in dalka Kenya ay ka iman doonaan 450 askari halka Itoobiyana ay ka iman doonaan 450 – kale, kuwaasoo badali doona ciidamada maanta isaga baxay dalka ee ka socday Sieraleone.

Ciidamada ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yimid dalka dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadda 2013, iyadoo ciidamadaasi ay ku kala sugnaayeen degmada Kismaayo iyo weliba deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245