Ciidamada Qalabka sida waxay dhowaan isku furi doonaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo”

Read Time:55 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhowaan Cidiamada qalabka sida ay bilaabi doonaan howl gal la isugu furayo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Hadalkan ayuu xalay Ra’iisul Wasaaraha ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Baydhabo oo uu kula hadlayay Mas’uuliyiinta Koofur Galbeed iyo qeybaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto sugida ammaanka iyo sidii kooxaha nabad diidka looga xoreyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada qaar.

“Dhawaan waxay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Koonfur Galbeed dib u furi doonaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Mas’uuliyiinta Koofur Galbeed, kuwa dowladda Federaalka iyo Hey’adaha sama falka ayaa  diyaarad ku taga Baydhabo, waxaana dariiqa kaliya ee u furan ay tahay Hawada ah oo aanay dhulka ku safri karin.

Magaalada Baydhabo ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho u jirta 250KM, Wadada isku xirta labada magaalo Al-Shabaab ayaa horay u jaray, kaddib markii ay weeraro ka fuliyeen, waxaana dhowr jeer wadada u galeen Mas’uuliyiin iyo kolonyo ciidan ku safrayay wadadaas.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.