Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Puntland oo saakay howlgal culus wada

Ciidamada Ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay saakay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Tuulada Af-Urur ee Gobolka Bari,halkaas oo shalay Barqadii ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo koox katirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab.

Ciidamada puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in saakay lagu arkayo Deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari,sidoo kalena mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo Ciidamadu ridayaan.

Dagaalkii Shalay ayaa waxaa Ciidamada Puntland looga dilay laba askari halka Saddex kale looga dhaawacay,waxaana Shabaab ay sheegeen inay mudo kooban la wareegeen Saldhiga Af-Urur walow saraakiisha Ciidamada Puntland ay beeniyeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya Af-Urur ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo,isla markaana Ciidamada Puntland ay ku jiraan heegan buuxa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!