Ciidamada Puntland oo Al shabaab kala wareegay saldhig muhiim u ahaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Puntland oo Al shabaab kala wareegay saldhig muhiim u ahaa

Ciidanka PMPF ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano buuraley ah oo ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulkaas.

Ciidamada PMPF ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay dhulka buuralayda Cal-miskaad gaar ahaan halka loo yaqaano buurta Barida oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka PMPF ee Puntland ayaa waxaa ay ku sheegteen inay howlgalka kula wareegeen Saldhig Shabaabka ku lahaayeen buuralayda Cal-miskaad, in kastoo aysan shaacin inuu dagaal ama weerar ka dhacay halkaas.

Sidoo kale Saraakiisha Puntland ayaa tilmaamay inay qabsadeen saanad hub ah, walxaha Qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal oo ku yaallay Saldhiga ay la wareegeen.

Si kastaba Ciidanka PMPF ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa horey sidaan oo kale howlgalo qorsheysan uga fuliyay deegaano ka tirsan dhulka buuralayda ee Gobolka Bari, iyagoona ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.