Mareeg.com: Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay dad tahriibayaal ah oo ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, kuna sii jeeday dalka Yemen.
Tirada dadka tahriibka ah ee la qabtay ayaa gaaraya 106 qof, waxaana u badan dad u dhashay wadanka Itoobiya.
Dadkaan ayaa markii la qabanayay la socday doon yar, taasoo halis ku ah noloshooda.
Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye ayaa Saxaafadda u sheegay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan kuwii wax tahriibinayay, waxaana uu intaas ku daray in howlgalada lagula dagaalamayo tahriibka sii socon doono.
Waxaa dadkaan ku jiray 26 haween ah oo dhammaantoodba Itoobiyaan ah, waxaana saraakiisha maamulka Puntland ay sheegeen in dadkani cadaaladda la hor keeni doono.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.